Kenya oo beenisay eedeymo uga yimid Soomaaliya

0
724

Dowladda Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeymo dhawaan uga yimid dowladda wadanka dariska la ah ee Soomaaliya .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Kenya ay soo dhaweysay warbixin uu soo saaray guddi urur goboleedka IGAD uu u magacaabay inuu soo hubiyo eedeymo ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Kenya oo ku aaddanaa inay faragelinayso arrimaheeda gudaha.
Warbixinta ayaa lagu xusay in aan la soo bandhigin caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo in Kenya sida ay sheegtay Soomaaliya ay garab siinayso ciidamo ka amar qaato wasiirka amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ka soo horjeeda dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Afhayeenka dowladda dhexe ee Kenya Mr. Cyrus Oguna oo sheegay in Kenya ay ka go’an tahay ka shaqeynta nabadda gobolka ayaa hoosta ka xarriiqay in warbixinta guddiga IGAD ay taabatay xaaladda taagan oo ayna sii wadayaan in xasiloonida lagu dadaalo.
Eedeymaha ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Kenya ayuu ku tilmaamay kuwo looga gol-leeyahay in dareenka muwaadiniinta soomaaliyeed looga weeciyo xaaladaha dhabta ah ee dalkooda ka jiro.
Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in guddiga xaqiiqa raadinta ee IGAD uu caddeeyay in Soomaaliya ay Kenya dusha kaga tuurtay eedeymo been abuur ah , niyad wanaagsan aan laga lahayn sidoo kalena aan u qalmin in lagu carqaladeeyo xiriirka dibloomaasiyeed.
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa dhanka kale caddeeyay in Kenya aynan maamulka Jubbaland u aqoonsan mid sharci ah oo madax bannaan sidoo kalena safar ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ku tageen dowlad goboleedkaas aynan ka dhigneyn aqoonsi rasmi ah oo dowladeed.
Sidoo kale waxaa uu beeniyay in Kenya ay tababartay oo ayna hooy siisay maleeshiyo isagoo intaasi raaciyay in ciidamada la sheegay ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya.
Mr. Oguna ayaa arrin aan loo meel dayin ku tilmaamay eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah in ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ay ku lug leeyihiin ka ganacsiga sharci darrada ee sonkorta iyo dhuxusha.
Waxaa uu xusay in eedeymahan ay horay u baartay qaramada midoobay oo la caddeeyay inaynan sax ahayn.
Cyrus Oguna, afhayeenka dowladda dhexe ee dalka ayaa sheegay in sida warbixinta ku cad , ciidamada KDF ay si sharci ah ku joogaan gudaha Soomaaliya maadaama ay ka mid yihiin ciidamada nabad sugidda midowga Afrika ee AMISOM.
Sidoo kale waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in guddiga xaqiiqa raadinta ee uu magacaabay urur goboleedka IGAD si dhow loola shaqeeyay oo fursad loo siiyay inay tagaan meel kasta oo ay u baahnaayeen sida goobaha dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Kenya ay maleeshiyo ku hayso kuna tababarayso.
Wuxuu intaasi raaciyay in guddigan oo uu hor kacayo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu yimid Kenya si uu u xaqiijiyo eedeymaha ka dhanka ah dalka.
Waxaa uu xusay in Kenya aynan diyaar u ahayn inay farageliso arrimaha gudaha ee dal kale oo ay filayso in sidan oo kale loola macaamilo.
Afhayeenka dowladda dhexe ee Kenya ayaa ku baaqay in gebi ahaanba la soo afjaro xasaradaha gudaha Soomaaliya si loo haleelo xasilooni dhameystiran.
Waxaa uu Mr. Cyrus Oguna ku celceliyay in dowladda iyo dadka Kenya ay nabadda jecel yihiin , wadanku uu leeyahay nidaam lagu maamulo sidoo kalena uu hago mabda’a ah in aan cidna la faragelin.
Waxaa uu sheegay inaynan suuragal ahayn in Kenya ay Soomaaliya dhibaato ku hayso iyadoo dhanka kale 20 sano marti gelinaysay qaxooti soomaaliyeed.
Oguna ayaa sheegay in ugu yaraan 500 oo qof oo isugu jiro hooyooyin iyo waayeelo ay Kenya u soo doontaan daryeel caafimaad.
Wuxuu xusay in ilaa 270,000 oo qaxooti ah ay ku nool yihiin gudaha Kenya.
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa xusay in 3,000 oo arday ah ay maalin kasta Mandera dhanka Beledxaawo uga soo gudbaan arrimo waxbarasho iyo ilaa 8000 oo qof oo ganacsato ah.

Afhayeenka dowladda dhexe ayaa xusay  in  3,000 oo arday ah ay maalin kasta  Mandera dhanka  Beledxaawo uga soo gudbaan arrimo waxbarasho iyo ilaa 8000  oo qof oo ganacsato ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here