Guddiga NCIC iyo maamulka filimada ee KFCB oo wacyi gelinaya ardayda jaamacadaha

0
510

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC iyo maamulka qaabilsan qiimeynta tayada aflaanta ee KFCB ayaa billaabay olole wacyigelin ah oo ay ku bartilmaameedsanayaan dhallinyarada dhigata jaamacadaha wadanka.
Ardayda ayaa la fahansiinayaa qaabka ay kaalin uga qaadan karaan ka hor tagga xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya.
Labada maamul ayaa si gaar ah diiradda u saaraya arrimaha nabad galyada, maamulka dhallinyarada dhexdooda iyo mabaadi’ida qaran.
Agaasime ku xigeenka dhanka isgaarsiinta ee NCIC Olive Metet ayaa mas’uuliyiinta ardayda ee jaamacadaha ku boorrisay in ay xoojiyaan nabad galyada.
Waxay kula Talisay in ay dhallinyarada kale ka dhaadhiciyaan sida iyada oo siyaasad ahaan la kala aragti duwan yahay haddana la isugu dulqaadan karo si siyaasiyiinta aynan u duufsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here