Israa’iil oo 6 guri ku burburisay Daanta Galbeed

0
210

6 ka mid ah guriyaha ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin ayaa waxaa burburisay Israa’iil.
Afar ka mid ah guriyahan ayaa ku yaallay tuulada al-Jiftlik, ee u dhow magaalada Jericho, mid kale waxaa lagu burburiyay tuulada Furush Beit Dajan oo u dhow Nablus halka midka 6-aadna uu ku yaallay magaalada Beit Ta’mar, ee Bariga Bethlehem oo dhanka Koonfureed uga beegan Quddus.
Tani iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxay Israa’iil sare u qaadday burburinta guriyaha Falastiiniyiinta iyadoo dadka u ololeeya xuquuqul aadanaha ay tani ku tilmaameen barakicin qasab ah.
Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan isku duwidda arrimaha baniaadannimo ee OCHA ayaa laga soo xigtay in tan iyo billowgii sanadkan , ay Israa’iil burburisay 404 oo ah guriyaha Falastiiniyiinta taasi oo barakicisay 737 ruux.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here