DHAGEYSO:Dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiyo isbitaallada oo shaqo joojin soo afjaray

0
603

Howlwadeenada isbitaallada kala duwan ee dalka u qaabilsan bixinta daawooyinka bukaannada la siiyo ee ku midoobay daladda KUCO ayaa ugu dambeyn soo afjaray shaqo joojin ay ku guda jireen.
Tani ayaa timid ka dib amar ka soo baxay maxkamadda oo looga dalbaday in ay dib ugu laabtaan goobihii ay ka shaqeynayeen.
Shaqo joojintan ayaa socotay muddo labo bilood ah.
Guddoomiyaha ururka dhakhaatiirtan ,Peter Wachira ayaa dhammaan xubnaha ku amray in ay iska xaadiriyaan gobihii ay ka howlgalayeen.
Hasa ahaate Mr. Wachira ayaa sheegay in weli aan la xallin tabashooyinkooda sidaas awgeedna ay maxkamadda dib ugu laabanayaan.
Waxay doonayaan in dowladaha ismaamullada lagu khasbo in ay xalliyaan dhibaatooyinka haysto saraakiisha caafimaadka oo ay ka mid tahay in aynan haysan agabka la isaga difaaco cudurka COVID-19 ee loo yaqaano PPEs oo ku filan.
Guddoomiyaha KUCO ayaa hoosta ka xarriiqay in wixii ka horreeyay nidaamka dowlad wadaajinta gudaha dalka laga soo billaabo xilligii Kenya ay madax bannaanida qaadatay in ay ka dhaceen labo shaqo joojin oo keliya.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in tan iyo markii maamulka la daadajiyay in guud ahaan ismaamullada wadanka ugu yaraan 100 mar ay dhakhaatiirtu shaqo joojin sameyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here