Taliyihii ciidamada Nigeria Jeneraal Ibraahim Attahiru, ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka waqooyi-galbeed ee Kaduna, sida ay saraakiishu sheegeen.
Waxaa sidoo kale shilka diyaaradeed ku dhintay 10 sarkaal oo kale oo ay ku jiraan shaqaalihii diyaaradda.
Militariga dalka Nigeria ayaa sheegay in arrintan ay dhacday xilli ay diyaaradda isku dayeysay inay ku degto jawi aan wanaagsaneyn.
Ciidamada cirka ee dalkaasi ayaa dhanka kale sheegay in shilkan uu dhacay xilli ay diyaaradda soo caga dhiganeysay garoonka diyaaradaha ee Kaduna.
Madaxweynaha dalka Nigera Muhammadu Buhari ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay shilka diyaaradeed ee dhacay.
Jeneraal Ibraahim Attahiru oo ay da’adiisu ahayd 54 sano ayaa taliyaha ciidamada wadanka Nigeria loo magacaabay bishii Koowaad ee sanadkan markaas oo dib u habeyn lagu sameeyay militariga.