Dadka isticmaala wadooyinka isku xira Nairobi iyo Nakuru ayaa la kulmay hakad socday 12-saacadood taasoo keentay in qaar badan oo kamid ah ay seexdaan wadada.
Cariirigan oo bilowday abaare 6-dii maqribnimo ee shalay kaasi oo soo dhamaaday 11 barqanimo oo sabtida maanta ah.
Ilaa iyo hadda lama oga sababtii keentay cariirigaas.
Dhacdadan ka dib, inta badan darawalada iyo rakaabka ayaa sharaxaad ka bixiyay khasaaraha ka soo gaartay waqtiga badan oo ay ku bixiyeen wadada iyo dib u dhaca ku yimid safarkooda.