DHEGEYSO:Dowladda oo sheegtay in laga sal gaari doono dilkii xildhibaankii Kasipul

0
153

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in dowladdu aynan marnaba ka gaabin doonin in laga sal gaaro dilkii maalmo ka hor loo gaystay Charles Ongondo Were oo ahaa xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Kasipul ee ismaamulka Homa Bay.
Ruto ayaa sheegay in qoyska uu mudanaha ka baxay ay cadaalad heli doonaan oo gacanta lagu soo dhigaya cid kasta oo falkaasi ka dambeysay.
Waxaa uu dadweynaha deegaanka Kasipul iyo si guud ismaamulka Homa Bay u ballan qaaday in ay si degdeg ah cadaalad u heli doonaan oo aan la iskaga hari doonin khaarijintii xildhibaanka.
Madaxweynaha ayaa caddeeyay in la abaabulay saraakiisha ammaanka si keliya aan loo soo qaban dadkii toogashada fuliyay balse cid kasta oo gacan ka gaysatay dilka mise qayb ka ahayd shirqoolka .
Arrintan ayuu ka sheegay munaasabad kaniiseed oo maanta lagu qabtay ismaamulka Migori .
Dilka xildhibaanka ayaa dhaliyay hadal hayn ballaaran iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga ODM ay ku hanjabeen in ay soo afjari doonaan taageeridda maamulka dowladeed ee la ballaariyay haddii aan laga sal gaarin toogashadii lagu bartilmaameedsaday Charles Ongondo Were.
Dhanka kale, madaxweyne William Ruto ayaa xilli uu maanta ku sugnaa deegaanka Galbeedka Suna ee ismaamulka Migori sheegay in adeegga korontada la gaarsiin doono guriyo dhan 18,000 oo ku yaalla Migori.

Waxaa uu sidoo kale difaacay wada shaqeynta kala dhexeysa madaxa xisbiga ODM Raila Odinga iyo ujeeddadii laga lahaa maamulka dowladeed ee la ballaariyay.