Booliiska Faransiiska ayaa baadi goobayaa nin looga shakisan yahay inuu dilay qof muslim ah oo ku cibaadaysanayay gudaha masaajid ku yaalla koonfurta dalkaas, isagoo dilkaas ka duubayay taleefoonka gacanta, xilli uu ku qeylinayay aflagaado ka dhan ah Diinta Islaamka.
Ninkan oo cibaadaysanayay ayaa subaxnimadii Jimcaha lagu dilay tooreey isagoo ku sugnaa tuulada La Grand-Combe ee gobolka Gard ee koonfurta Faransiiska.
Dacwad oogaha gobolka Abdelkrim Grini oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in aan wali gacan ku diiglaha la soo qabanin.
Sida laga soo xigtay ilo kale oo codsaday inaan magaciisa loo isticmaalin warbaahinta ayaa sheegay in inkastoo tuhmanaha la soo qabanin haddane loo aqoonsaday inuu yahay muwaadin Faransiis ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Bosnia.
Qofka la dilay iyo kan weerarka geystay ayaa kaligood ku sugnaa gudaha masaajidka xilliga uu falka dhacayay.
Dhibanahan oo dhalasha ahaan ka soo jeedo dalka Mali ayaa ay isla tukadeen eedeeysanaha ka hor inta aan 50 jeer la tooriyaynin.