Saddex qof oo looga shakisan yahay falal argagaxisanimo oo xabsi lagu sii hayni doono

0
448

Labo qof oo Kenyaan ah iyo mid dhalasha ahaan Soomaaliya ka soo jeedo oo loo haysto eedeymo la xiriira argagixisanimo ayaa xabsiga ku sii jiri doona muddo bil ah ka dib markii maxkamadda Nairobi ay maanta oo Talaada ah u diiday dammaanad.
Labada Kenyaanka ayaa kala ah Nuur Yacquub Cali iyo Yuusuf Macallin halka midka Soomaaliya ka soo jeedo lagu magacaabo Isaaq Cabdi Xasan waxaana lagu eedeeyay inay abaabuleen weerar ka dhan ah saraakiisha ammaanka Kenya iyo inay ka tirsan yihiin kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Saddexdan qof ayaa loo haystaa inay maleegeen fal argagixiso oo ay ka geysteen magaalada Mandheera 18-kii February ee sanadkan.
Garsooraha maxkamada Sharciga ee Kahawa Gideon Kiage ayaa go’aanka gaaray kadib markii uu ogaaday in ay jiraan sababo adag oo lagu xadidayo xuquuqaha seddexda qof maadama kiiska uu yahay mid halis ah.
Weerarkii dhacay 18-kii Febraayo ee raggan lagu eedeeyay ayaa waxaa ku dhintay hal askari halka mid kalane uu ku dhaawacmay waxaa sidoo kale lagu waayay laba qori oo ay dowladda leedahay.