Israa’iil ayaa weli sii wada duqeymaha ay ku hayso Marinka Qaza iyadhoo ay ciidamadeeda ay ku dileen canug yar magaalada Qaza.
Dhanka kale weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay ku qaadeen guri ku yaalo magaalada Khan Younis ayaa waxaa lagu dilay 9 qof iyo hal wariye oo ku dhintay weerar kale.
Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in Israa’iil ay xiray oo dalkeeda ka masaafurisay laba xildhibaan oo Ingiriis ah, kuwaas oo booqasho ku joogay dalkaas iyaga oo qayb ka ahaa wafdi baarlamaani ah.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 50,679 qof lagu dilay dagaalka Israa’iil ee Qaza tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii halka lagu dhaawacay 115,225 kale oo Falastiniyiin ah.
Xafiiska Warbaahinta ee Dowladda Qaza ayaa tiradan u cusboonaysiiyay in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.