Booliiska oo baaraya geerida ardayad dhiganaysey Jaamacadda Multimedia

0
571

Ciidamada booliiska ee deegaanka Langata ee ismaamulka Nairobi ayaa billaabay baaritaanno ku aaddan geerida Sylvia Kemunto oo dhiganaysey fasalka koowaad ee Jaamacadda Multimedia.
Tani ayaa timid ka dib markii maydka ardayadda laga dhex helay taangiga biyaha ee xaruntaasi waxbarasho.
Taliyaha booliiska ee Nairobi George Seda ayaa sheegay in meydka la arkay xalay fiidkii.
Waxaa uu intaasi ku daray in saraakiisha lagu soo wargeliyay in la helay meydka Sylvia oo ay dad ugu war dambeysay Axaddii.
Taliyaha ayaa xusay inuu jiro tuhun ah in dhibbanaha la ceejiyay ka hor inta aan meydkeeda la dhex gelin haanta biyaha.
Seda ayaa laga soo xigtay in ay ku raadjoogaan wiil ay gabadha wada sheekeysanayeen oo baxsad ah maadaama ay goobjoogayaal sheegeen in markii ugu dambeysay la arkay isagoo ka soo baxaya guriga gabadha.
Maydka ardayadda ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee magaalada Nairobi si loogu sameeyo qalliin baaritaan ah.