DHAGEYSO:Shirka wadatashiga Doorashada Soomalaiya oo lagu wado inuu Muqdisho ka furmo

0
289

Waxaa lagu wadaa inuu Maanta Galinka Danbe Magaalada Muqdisho ka Furmo shirweynaha Wadatashiga doorashooyinka Soomaaliya oo ay ka Qaybgalayaan Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul goboleedka.
Muqdisho waxaa ka socda qabanqaabadii ugu danbaysay ee shirka ayaa ka socota waxaan la filayaa in shirkaan Xal loogu Helo is marigaa doorashooyinka Qaranka ka taagan.
Madaxweynaha Galmudug ayaa Shalay Gaaray Muqdisho sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa isna saaka tagay Caasimada halka Madaxda Maamulada kalena laga sugayo inay Muqdisho gaaraan Saacadaha soo socda.
Shirkaan ayaa waxaa ku baaqay Ra’isulwsaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kadib Markii Madaxweynaha Soomaaliya uu bilowgii bishaan Ra’isulwasaaraha ku Wareejiyay Masuuliyada doorashada wadanka.
Ra’isulwasaaraha ayaa la filayaa inuu kulamo horu dhac ah la yeesha Madaxda Maamul goboleedyada inta aan la guda galin Furitaanka Shirweynaha Qaran ee doorashooyinka.
Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa sheegay inuu shirku si horu dhac ah u sii furmayo wax walbana ay u socdaan sidii loogu tala galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here