Dowladaha ismaamullada oo ka cabanaya dhaqaale yari

0
310

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee CoG ayaa walaac ka muujiyay in aynan haysan dhaqaale ku filan oo ay kula dagaalami karaan cudurka COVID19.
Sidoo kale waxay sheegeen in saameyn ballaaran ay ka dhalatay abaaraha iyo daadadka.
Guddoomiyaha CoG ahna barasaabka Embu ,Martin Wambora ayaa dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda maaliyadda ugu baaqay in ay dardargeliso soo saaridda miisaaniyadda loogu talagalay in ismaamullada ay si siman u qaybsadaan.
Waxaa uu sheegay in hal bil keliya ay ka dhiman tahay gabagabada miisaaniyad sanadeedka 2020-2021-ka iyada oo ilaa iyo hadda dowlad deegaannada aan dhaqaale ku filan lagu wareejin.
Mr. Wambora ayaa xusay in caqabaddan ay adkeysay in sida habboon loola tacaalo cudurka COVID19 , abaarta iyo fatahaadaha ku dhuftay qaybo ka mid ah wadanka.
Guddoomiyaha golaha CoG ayaa intaa ku daray in wasaaradda maaliyadda ay ilaa iyo hadda ismaamullada siisay lacag dhan 8.8 bilyan oo shilin oo ka mid ah 82 bilyan.