India oo ay COVID19 ugu dhinteen in ka badan 4,500 qof oo dheeraad ah

0
541

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa sheegtay in cudurka COVID19 uu 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay galaaftay nolosha 4,529 bukaan oo dheeraad ah.
Tani ayaa tirada guud ee dhimashada ka dhalatay corona ee India ka dhigaysa 283,248.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladaha cudurka ay ku kordheen 267,334 waxayna tirada guud ee kiisaska COVID19 ee dalkaasi ay hadda tahay 25.5 milyan.