Booliiska Kwale oo labo qof u xiray ka ganacsiga daroogada

0
776

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kwale ayaa gacanta ku dhigay labo ruux oo ku eedeysan ka ganacsiga maandooriyaha.
Tani ayaa timid ka dib markii laamaha ammaanka ay howlgal ka sameeyeen aagga Kombani ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa halkaasi laga soo helay 12 kaartoon oo xashiish ah.
Tuhmaneyaasha la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Kassim Omar Konerwa oo 34 sano jir ah iyo Issa Omar Konerwa oo ay da’diisu tahay 24 sano.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa bayaan ku sheegtay in la rumeysan yahay in xashiishka guriga ay labadan qof ku sugnaayeen lagu kaydiyay oo uu qorshuhu ahaa in la sii gudbiyo.
Eedeysanayaasha ayaa hadda xabsiga ku jira waxaana lagu wadaa in maxkamadda la soo taago si dacwad loogu soo oogo.
Waxay arrintan ku soo beegmaysa iyadoo laamaha ammaanka ee gobolka Xeebta ay wadaan howlgallo ka dhan ah noocyada kala duwan ee maandooriyaha.