DHAGEYSO:Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay dhibaatada ka dhalatay fatahaada

0
353

Iyadoo Maalmihii la soo dhaafay Wabiga Shabelle uu fatahaad xooggan ka sameeynayay deegano hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa arrintaasi walaac xooggan ka muujiyay Madaxweynaha hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo booqday Goobaha uu ka fatahay Wabiga.
Madaxwyene Cali Guudlaawe ayaa sheegay in laba Buq oo waaweyn ay waxyeeleeysay sanadkan Tuulooyinka hoostaga Magalada Jowhar oo Wabiga uu ka fatahay, kuwaas oo ku kala yaal Tuulooyinka Baareey & Mayoko.
Waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray in fatahaada Wabiga Shabeelle uu babi’iyay dalagyo farabadan, sidoo kale uu saameyn ku yeeshay 25 tuulo oo kamid ah tuulooyin hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.
Ugu dambeyn waxaa u sheegay in Wabiga Shabeelle uu fatahaad horleh uu ka sameeynayo degaano kale oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, sida degmada Balcad iyo degaano kale, isaga oo ku baqay in laga qeyb qaato u gurmashada dadka ku barakacay fatahaada.