DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliland oo dowladda dhexe ee Soomaaliya eedaymo u jeediyay

0
384

Madaxweynaha Soomaaliland oo dowladda dhexe ee Soomaaliya eedaymo u jeediyay
Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Xalay ka hadlayay Munaasabada Magaalada Hargaysa lagu qabtay oo loogu dabbaal deggayay 18-ka bisha Shanaad ee May ee ku beegan Markii Soomaaliland ku dhawaaqday inay isaga Baxday Soomaaliya inteeda kale ayaa waxa uu ka hadlay arrimo badan.
Waxaa uu ku eedeeyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya inay Soomaaliland Carqaladeeyaan sida uu hadalkiisa u dhigay, isagoona ku Tilmaamay in Caalamka dowladda kaliya ee kasoo horjeeda Qaranimada Sopmaaliland ay tahay dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shanta dowladood ee Awooda Qayaxan ku leh Golaha Amaanka ee Jimciyadda Qaruumaha ka dhexaysa ayuu ugu baaqay inay si dhab ah u qaataan arrinta ka taagan Falastiin oo shacabka lagu xasuuqayo.