Nin lagu dilay ismaamulka Migori

0
286

Geoffrey Ouma oo ka shaqeeynayey goob hilibka lagu iibiyo ayaa la dilay fiidnimadii xalay kadib markii uu isaga iyo saaxibkiisa dagaal ku dhex maray suuqa Ranen ee ismaamulka Migori.
Guddoomiye xaafadeedka deegaankaasi Phres Osore ayaa sheegay in eedeeysanaha oo lagu magacaabo Ochieng Odhiambo uu dhibbanaha oo 35 sano jir ah toori ku dilay.
Osore ayaa xusay in labadooduba uu midba midka kale ku eedeynayay inuu milkiilaha kawaanka ku wargeliyay hilib laga waayay sayladda.
Guddoomiye xaafadeedka ayaa carrabka ku dhuftay in milkiilaha kawaanka uu qorsheeyay in shaqada laga diro eedeeysanaha iyo Ouma.
Phres Osore ayaa sidoo kale xusay in laga yaabo in qorshaha shaqa joojinta uu sababay in labada qof ay dagaallamaan.
Eedeysanaha ayaa dilka ka dib isku dhiibay saldhigga booliiska ee Ranen halka meydka qofka dhintay la geeyay qolka meydadka ee isbitaalka Rapcom iyadoo baaritaan lagu sameynayo meydkiisa.
Dhanka kale, guddoomiye xaafadeedka ayaa ugu baaqay dhallinyarada in ay joojiyaan dagaallada aan loo baahneyn taasi badalkeedana ay raadiyaan xal kale oo lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya.