Golaha wasiirrada Israa’iil oo u codeyn doono heshiiska xabbad joojinta ee la gaaray

0
229

Golaha wasiirrada ee Israa’iil ayaa lagu wadaa inuu abaare 11-ka barqannimo ee saacadda Israa’iil uu u codeeyo heshiis xabbad joojin ah oo lala gaaray ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Waxay tani imaanaysa iyadoo weerarrada Israa’iil ee Marinka Qaza lagu dilay ugu yaraan 40 Falastiiniyiin ah laga soo billaabo xilligii is-afgaradka Israa’iil iyo Xamaas lagu shaaciyay Qatar.
Heshiiska ayaa haddii la meel mariyo , la filayaa inuu si rasmi ah u dhaqangalo Axadda soo socoto ee 19-ka bishan Jannaayo.
Mas’uul ka tirsan ururka Xamaas oo lagu magacaabo Izzat al-Risheq ayaa sheegay in heshiiska uu yahay mid buuxiyay dhammaan shuruudahoodii sida in ciidamada qalabka sida ee Israa’iil ay Qaza si buuxda uga baxaan, in la soo celiyo barakacayaasha sidoo kalena si buuxda loo soo afjaro duullaanka militari.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa madaxweynaha Maraykanka ee xafiiska banneynaya Joe Biden iyo hoggaamiyaha la doortay ee dalkaasi Donald Trump uga mahadceliyay dadaalka ay geliyeen in lala heshiiyo Xamaas.
Waxaa uu sheegay in tani ay culeyska ka dul qaadi doonto maxaabiista iyo qoysaskooda.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , weerarrada Israa’iil ee Qaza waxaa lagu dilay in ka badan 46,707 Falastiiniyiin ah halka lagu dhaawacay 110,265 kale.