Sida laga soo xigtay waaxda dab damiska qaranka ee dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa ugu yaraan 85 qof ay dhinteen ka dib markii uu dab qabsaday diyaarad rakaab wadday oo ka soo duushay caasimadda Thailand ee Bangkok.
Diyaaradda ayaa shilka ku gashay khadka ay diyaaraduhu adeegsadaan ee garoon diyaaradeed ee magaalada Muan ee dalka Kuuriyada Koonfureed.
Shilkan ayaa dhacay maanta oo Axad ah abaare 9.03 daqiiqo ee subaxnimo ee saacadda dallkaasi.
Diyaaraddan ayaa sidday rakaab dhan 175 qof iyo 6 shaqaale.
Waaxda dab damiska qaranka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijisay in 85-ta ruux ay kala yihiin 46 dumar iyo 39 rag ah.
Waxay intaasi ku dartay in shilka ay ka badbaadeen labo ruux oo ka mid ahaa howlwadeennada diyaaradda.
Waaxda ayaa xustay in la demiyay dabkii ka kacay diyaaradda.
Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap oo soo xiganeysa saraakiisha laanta dab damiska ayaa sheegtay in ay hooseysa rajada laga qabo in la soo badbaadiyo dad dheeraad ah.