Koox haween ah oo ka soo jeeda ismaamulka Bomet ayaa laamaha ammaanka ka codsaday in ay sare u qaadaan dadaallada looga falcelinaya tacaddiga loo gaysto haweenka iyo gabdhaha .
Waxay sheegeen in xilli fasaxeedkan ay dugsiyada xiran yihiin ay dhacdooyinkan kordheen sidaas awgeedna loo baahan yahay in wax laga qabto.
Dhawaan ayay ahayd markii la soo tabiyay in mid ka mid ah bareyaasha jaamacadaha ee ismaamulka Bomet uu faraxumeeyay gabadh 17 sano jir ah.