In ka badan 6 qof oo ku dhintay shil ka dhacay waddada Bomet-Narok

0
124

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyooday shil laga soo tabiyay waddada wayn ee u dhexeysa ismaamullada Bomet iyo Narok.
Shilka oo u dhexeeyay gaadiidka dadweynaha ee Mataatuuda iyo bas dugsiyeed ayaa abaare 6-dii maqribnimo ee shalay ka dhacay aagga buundada Olonin .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 16 ruux oo kale ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Gaadiidka dadweynaha oo ku wajahnaa dhanka Narok ayaa waxay isku dhaceen baska oo dhanka kale ka soo socday.
Ciidamada booliiska ayaa laga soo xigtay in shilka uu dhacay ka dib markii wadihii baska uu isku dayay inuu dhaafo baabuur ka horreysay.
Dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka degmada Ololulung’a si loo daaweeyo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja uu sheegay in xilli fasaxeedka Christmas la howlgelin doono ciidamo dheeraad ah si looga hortago dhacdooyinka shilalka.