Madaxweynaha dalka oo saxiixay hindise sharciyeedyo dhowr ah

0
139

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa saxiixay hindise sharciyeedyo gaaraya toddobo oo uu baarlamaanka u soo gudbiyay.
Ujeeddada arrintan laga leeyahay ayaa ah dardargelinta qorshaha horumarineed ee dowladda.
Hindise sharciyeedyadan ayaa ah isbeddello lagu sameeyay xeerarka maamulka canshuuraha waddanka ee KRA, Waddooyinka ,Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC iyo Ganacsiyada.
Waxaa uu madaxweynaha saxiixay xeer dhigaya in guddoomiyaha guud ee maamulka KRA uu soo magacaabi karo ku xigeennadiisa in kastoo uu ansixinaya guddiga .
Dhanka EACC,waxaa uu xeerka qeexaya in qofka noqonaya guddoomiyaha guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa uu u qalmo inuu garsoore ka noqdo maxkamadda sare ee waddanka.
Tani ayaa fududaynaysa inuu EACC u hoggaamiyo si istaraatiijiyad leh.
Isbeddelka lagu sameeyay xeerarka ganacsiga ee uu madaxweynaha qaranka saxiixay ayaa horseedaya sare u qaadidda hufnaanta waaxyaha bixiya adeegyada maaliyadeed waxayna sidoo kale fududeynayaan howlaha ganacsiga.