Madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa ku gacan seyrtay baaqyada loo jeedinaya ee ku aadan in ay is casisho.
Koome ayaa ku boorrisay kuwa iyada dhaliilaya inay dib u eegaan aragtidooda, maadaama aysan diyaar u hayn in xilka ay hayso iska casisho.
Garsoore Martha Koome ayaa daaha ka qaadday inay marar badan dhibbane u ahayd cagajuglaynta dhanka intarneetka ama baraha bulshada, iyadoo lagu dhaliilay waxqabadkeeda.
Waxay ku nuuxnuuxsatay in hadallada iyo ficillo ay ku tilmaantay meel ka dhac aysan ka joojin doonin inay si buuxda u gudato waajibaadkeeda.
Madaxa cadaaladda ee dalka ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay garsoorka dalka in uu la dagaallamo musuqmaasuqa ka jira waddanka, inkastoo ay jiraan caqabado ka dhashay hanjabaado jira iyo dhaqaale yari.
Waxay hoosta ka xarriiqday in caqabadahaasi aysan ka joojin doonin garsoorka waddanka inuu fuliyo waajibaadkiisa shaqo.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay jiraan dhaliilo loo jeedinayo hay’adaha waaxda garsoorka ee dalka.
Waxaa dhaliilo u jeediyay sharci yaqaanno caan ah iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, kuwaas oo sheegay in waaxda garsoorka uu musuqmaasuq ka dhex jiro.