Madaxweynaha Jabuuti oo markii shanaad xilka madaxtinimada loo dhaariyay

0
451

Waxaa maanta markii shanaad xilka madaxtinimada loo caleemo saaray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday bishii lasoo dhaafay, doorashadaas ay qaadaceen mucaaradka Jabuuti.
Waxaana munaasabadda dhaarinta madaxweynaha ka qeybgalay hoggaamiyeyaal ka socday gobolka oo ay kamid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Markii ugu horreysay ee uu madaxweyne ka noqday Jabuuti waxay ahayd sanadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977.
Geelle waxaa mar kale dib loo doortay sanadihii 2005, 2011 iyo 2016, iyo sanadkan 2021.