Xoghaynta BBI oo racfaan ka qaadan doonta go’aankii maxkamadda sare ay ku laashay geediscodka sharci beddelka

0
469

Xoghaynta hindise sharciyeedka ee BBI ayaa sheegtay in geddiscodka wax looga beddelo xeerarka wadanka uusan wali dhamaanin.
Waxaa ay wacad ku mareen, inay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka ay maxkamadda sare ku laashay geddisocodka BBI.
Xoghaynta BBI ay hoggaamiyaan xildhibaanka laga soo doortay bariga deegaanka Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad iyo mudanihii hore ee deegaanka Dagoreti Dennis Waweru ayaa sheegay inay sameynayaan koox sharciyeed oo arrinkan racfaan ka qaadan doonta.
Waxaa ay intaa ku dareen in ilaa dhamaadka ay dagaalami doonaan si loo meel mariyo geediscodkan islamarkaana racfaan arrinkan ka qaadan doonaan toddobaadka dambe.
Garsoorayaasha go’aankasoo saaray ayaa kala ah Joel Ngugi, George Odunga, Jairus Ngaah, Teresia Matheka iyo Chacha Mwita.
Madaxweynaha dalka ayay maxkamaddu sheegtay inuusan ilaalin farqada 131-aad qaybta labaad ee dastuurka wadanka sidaas awgeedna uu ku guul dareystay tixgelinta xeerarka wadanka lagu maamulo.