Israa’iil oo duqeyn dhanka cirka ah ka geystay xero qaxooti oo ku taalla Qaza

0
496

Waxaa weli socdo weerarrada dhanka cirka ah ee ay ciidamada Israa’iil ka gaysanayaan dalka Falastiin gaar ahaan marinka Qaza.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Israa’iil ay duqeyn dhanka cirka ah ay ka geystay xero qaxooti oo ku talla Qaza halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan sideed carruur ah.
Shaqaalaha gurmadka degdeg ah ee Falastiin ayaa saacadihii hore ee saaka isku dayayay inay meydadka ka soo saaraan burburka hoostiisa iyadoo dad badan la rumeysan yahay inay dhinteen.
Ilaa iyo hadda ugu yaraan 139 qof oo Falastiiniyiin oo 40 ka mid ah ay carruur yihiin ayaa la dilay.
In ka badan 950 qof ayaa la dhaawacay tan iyo markii duullaanka uu billowaday Isniintii.
Ururka Xamaas ayaa dhanka kale ay wararku sheegayaan in gantaalo dhowr ah ku tureen koonfurtra Israa’iil kuwaasoo ay ku garaceen magaalooyinka Askhelon iyo Ashdod, iyadoona aynan jirin khasaare nafeed ee la soo tabiyay.