Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida guddoomiyihii guddiga adeegga dadweynaha

0
365

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ka tacsiyeeyay geerida guddoomiyihii guddiga adeegga dadweynaha Stephen Kirogo.
Waxaa uuna tacsi u diray qoyskii iyo ehelladii uu ka baxay.
Mr Kirogo ayaa gelinkii dambe ee shalay ku dhintay isbitaalka Nairobi xilli lagu daweynayay
Waxaa uu muddo dheer ka soo shaqeynayey howlaha maamulka.
Waxaa ilaa geeridiisa uu ahaa guddoomiyaha guddiga adeegga dadweynaha ee dalka.
Madaxweynaha dalka ayaa Mr Kirogo ku sifeeyay inuu ahaa shaqaale dowladeed oo si weyn uga qayb qaatay isbeddelka adeegga dadweynaha ee dalka.
Waxaa uu intaa ku daray inuu kaalin ka qaatay dib u habeyn lagu sameeyay bixinta adeegga dadweynaha.
Mr Kenyatta ayaa sheegay in Stephen Kirogo uu aqoon u lahaa muddo dheer islamarkaana lagu xusuusan doona shaqadii wanaagsaneyd ee uu qabtay intii uu ahaa guddoomiyaha guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Dhanka kale waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki.
Mr Kirogo ayaa mar soo noqday xoghayihii gaarka ee madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki.