Madaxweyne dalka Mr Uhuru Kenyatta, oo hadda ah guddoomiyaha Ururka Bariga Afrika (EAC), ayaa subaxnimadii maanta gaaray wadanka Uganda.
Mr. Kenyatta ayaa ka qeyb galaya caleema saarka dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni oo hadda loo dhaariyay madaxweynaha Uganda markii lixaad xaflad ay ka soo qeyb galeen madaxweynayaasha kale ee Africa.
Waxaa weheliyey wasiirada kala ah Raychelle Omamo (Arimaha Dibadda), Peter Munya (Beeraha) iyo James Macharia (Gaadiidka, Kaabayaasha, Guryeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka).
Madaxda kale ee dowladaha goobjoogga ka ahaa waxaa ka mid ah Suluhu Samia Hassan (Tanzania); Sahle-Work Zewde (Itoobiya); Félix Antoine Tshisekedi Tshilombo (Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo); Nana Akufo-Addo (Ghana); Alpha Condé (Guinea); Emmerson Dambudzo Mnangagwa (Zimbabwe); Hage Gottfried Geingob (Namibia); Salva Kiir Mayardit (Koonfurta Suudaan) iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (Soomaaliya).