Wasiirka waxbarashada oo la filayo inuu maanta shaaciyo natiijada KCSE-da

0
418

Waxaa uu qorshuhu yahay in duhurnimada maanta shaaca laga qaado natiijada imtixaanka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa isaga oo ku sugan madaxtooyada State House faahfaahin laga siiyay natiijada maanta lagu dhawaaqaya.
Saddex toddobaad ka hor ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha uu sheegay in natiijada la shaacin doono 10-ka bishaan ee maanta ku beegan.
Maalinkii Jimcaha ee toddobaadkii hore ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka sheegay in la soo gabagabeeyay sixidda imtixaanka KCSE-da xilli uu ku sugnaa dugsiga sare ee wiilasha ee Starehe Boys..
Natiijada maanta la shaacinaya ayaa ah midii sanad dugsiyeedkii 2020-kii oo ay ardayda sameeyeen Intii u dhaxeysay bilihii saddexaad iyo afaraad ee sanadkan saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay jadwalka waxbarasho ee wadanka awgeed.
Sanadkan waxaa imtixaanka KCSE-da sameeyay arday dhan 752,933.
Imtixaanka ayaa lagu sameeyay 10, 437 oo xarumood.