DHAGEYSO:Ismaamullada Garissa iyo Lamu oo isku haysta deegaanka hoose ee Ishakani

0
349

Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyasadeed ee ismaamulka Garissa ayaa ku adkeysanaya in deegaanka hoose Ishakani ee aaga Dar es Salaam Point uu ka tirsan yahay deegaanka Ijara.
Waxaa deegaankan oo ku yaalla xuduudda Kenya iyo Soomaaliya isku haysto ismaamullada Garissa iyo Lamu.
Labada dowlad deegaan ayaa mid waliba sheeganya deegaankan.
Arrintan ayaa laga cabsi qabaa in xiisad ka dhex abuurto bulshooyinka ku nool Lamu iyo Garissa.
Deegaankan ayaa ka kooban dhul ballaaran iyo dhul xebeed.
Umulkheyr Haaruun Maxamad oo golaha qaran ee xeer dejinta si magacaabid ah ugu biirtay ayaa sheegtay in buugaagta taarikhada ay muujinayaan in deegaankan uu ka tirsan yahay Ijara ee ismaamulka Garissa.
Barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Aadan ayaa dhankiisa sheegay inuu wada hadallo la yeelan doona hoggamiyayaasha siyaasadeed ee dowlad deegaanka Lamu, si arrintan xal waaro loogu helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here