In ka badan 240 qof oo lagu xiray Tunisia ka dib dibadbaxyo dhacay

0
560

Laamaha ammaanka ee dalka Tunisia ayaa xiray ugu yaraan 240 qof oo dhallinyaro ah oo loo haysto inay ka qayb qaateen dibadbaxyo ka dhacay caasimadda wadankaas ee Tunis.
Wararka ayaa intaa ku daraya in mudaaharaadyada sidoo kale ay saameeyeen magaalooyin kale.
Tirada shakhsiyaadka la xiray waxaa warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka wasaaradda amniga gudaha ee Tunisia Walid Hakima.
Waxa uu sheegay in dadkan oo ay carruur ka mid yihiin ay dhac u gaysteen hantida ganacsatada.
Dibadbaxayaasha ayaa dowladda Tunisia ku cadaadinaya inay wax ka qabato dhaqaalaha uu hoos u dhaca ballaaran ku yimid.