Wararka naga soo gaaraya deegaan baarlamaaneedka Dadaab ee ismaamulka Garissa ayaa sheegaya in xalay 4 qof lagu dilay tuulada Bogyar oo ku taalla duleedka deegaankaasi.
Tuuladan ayaa masaafe yar u jirta magaalada Dadaab, waxayna ku taalla bartamaha waddada xiriirisa magaalooyinka Garissa iyo Dadaab.
Koox hubaysan oo aan wali haybtooda la aqoonsan ayaa xalay fiidkii weerar xooggan ku qaadday tuuladaasi.
Dad la dilay ayaa la sheegay inay ahaayeen shaqaale ka shaqeeya dhismaha oo dayactir ku samaynayay isbitaalka Bogyar oo ay ku sugnayeen xilligii uu falka dhacayay, sida ay inoo xaqijiiyeen dadka tuuladaasi oo aan qaarkood la hadalnay.
Dabeleyda weerarka gaysatay ayaa bartilmaameedsatay shaqaalaha dhismaha oo ku sugnaa isbitaalka ay dayactirka ku sameynayeen, waxayna goobta ku dileen 4 ka mid ah shaqaalihii, sida la xaqiijiyay.
Waxaa falkan ka badbaday 3 ka mid ah shaqaalaha dhismaha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka la la dilay aynan deegaanka u dhalan.
Shacabka tuulada Bogyar oo falkan ka naxay, ayaa waxay ku tilmameen mid foolxun oo fulaynimo ah.
Waa markii ugu horreysay oo deegaanka Dadaab waxyeelo loogu gaysto shaqaalaha dhismooyinka ka shaqeeya.
Waxaa dhacdadan si adag u cambaareeyay mas’uuliyiinta deegaanka Dadaab.
Laamaha ammaanka ayaa loogu baaqay inay baaritaano degdeg ah sameeyaan, islamarkaana ay gacanto ku soo dhigaan dabeleydii falkan ka dambeysay.
Dhanka kale, laamaha amniga oo goobta gaaray saaka, ayaa billaabay baaritaano.
Waxaa dableyda falkan gaysatay lagu tuhmaya kooxda Al-Shabaab oo marar kala duwan waddada xiriirisa magaalooyinka Garissa iyo Dadaab ka gaysatay weerarro.