Madaxweynaha dalka oo khudbad ka jeediyay shirka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika

0
403

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta khudbad ka jeediyay shir madaxeedka magaalada Seoul uga furmay hoggaamiyaasha waddamada qaaradda Afrika iyo dowladda Kuuriyada Koonfureed.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in jamhuuriyadda Kuuriya ay door muhiim ah ka qaadan karto horumarka Afrika.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in qaaraddu ay daneynaysa in ay iskaashiyo wanaagsan la yeelato maalgashatada Kuuriya si looga faa’iidaysto fursadaha iyo awoodaha jira.
Waxaa uu tilmaamay in tani ay dardargelin doonto kobac dhaqaale sidoo kalena ay abuuraysa fursado shaqo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in hantida Afrika ay ka mid yihiin dhallinyaro xirfado leh, dhul ballaaran oo abuurka ku wanaagsan , kayd wayn oo ah tamarta la cusbooneysiin karo iyo kheyraadka macdanta oo aan weli si buuxda looga faa’iidin.
William Ruto ayaa sheegay in dhinacyada ugu muhiimsan ee ay Afrika doonaysa in ay la kaashato dowladda Kuuriyada Koonfureed ay ka mid yihiin isku filnaanshaha cunnada , sayniska iyo tiknolojiyadda , nabadgalyada iyo amniga iyo caafimaadka.
Waxaa uu tilmaamay in shir madaxeedka uu muujinaya go’aanka sare loogu qaadaya xiriirka iyo abaabulka ku aaddan rabitaanka siyaasadeed ee loo baahan yahay si ay Afrika iyo Kuuriya u gaaraan baraare laga wada faa’iidaya.
Waxaa uu xusay in si ay tani ku suuragasho loo baahan yahay in xoogga la saaro dhinacyada ay isku kaabi karaan , iskaashi loo siman yahay iyo dhaqangelinta istaraatiijiyooyinka ku saleysan guul loo dhan yahay.
Shir madaxeedka oo hal-ku dhig looga dhigay mustaqbalka waan wada sameysanaynaa , kobac la wadaago , wadajir iyo joogteyn ayaa waxaa martigelinaya madaxweynaha dalka Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol waxaana lagu qabanaya xarunta caalamiga ee bandhigga ee Korea International Exhibition Centre ee magaalada Goyang.