Isbuurasho ka dhacday goob diimeed oo ku taalla Israa’iil oo ay ku dhinteen 44 qof

0
370

Ugu yaraan 44 qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhalatay xaflad diimeed taasoo ka dhacday goobta lagu magacaabo Mount Meron ee waqooyi bari ee Israa’iil.
Waaxda gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ee Magen David Adom (MDA) oo dhimashadan xaqiijisay ayaa sidoo kale sheegtay in tobannaan kale ay ku dhaawacmeen.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhacdada ku tilmaamay musiibo wayn.
Waxaa uu intaa ku daray inay u duceynayaan dadka ay wax yeellada ka soo gaartay dhacdadaan.
Isbuurashada ayaa dhacday ka dib markii tobannaan kun oo qof ay ka soo qayb galeen xaflad diimeeedka ee sanadlaha islamarkaana la yirahdo Lag BaOmer oo yahuudda caado u ah.
Adeegyada gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ayaa goobta geeyay lix diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca si ay u daadgureeyaan dadka dhaawacmay.
Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa lagu qaaday diyaarad militari oo la geeyay magaalooyinka Tel Aviv iyo Jerusalem, sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka degdegga ah.