Ra’ iisul Wasaaraha Haiti oo la magacaabay

0
276

Golaha ku mele gaarka ah ee dalka Haiti oo ka kooban 9 xubnood ayaa xilka Ra’iisul Wasaaraha wadankaasi u magacaabay Garry Conille .
Go’aankan ayaa ku soo aadaya xilli weli ay Haiti ka jiraan rabshado ay kooxo burcad ah oo hubeysan inta badan kula wareegeen caasimadda dalkaasi ee Port-au-Prince.
Conille ayaa horay Ra’iisul Wasaare u soo noqday afar bilood intii u dhexeysa bishii Tobnaad ee sanadkii 2011-kii ilaa bishii Labaad ee 2012-kii.
Hasa ahaate , wuxuu is casilay ka dib markii ay is khilaafeen isaga iyo madaxweynihii xilligaasi Michel Martelly.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here