Kenya Railways oo dib u billowday safarrada tareennada

0
302

Waaxda qaabilsan maareynta adeegyada tareennada ee dalka ee Kenya Railways ayaa shaacisay in maanta uu dib u billowday safarrada tareennada ilaa afar jaha.
Safarradan ayaa horay loo hakiyay saameynta fatahaadaha awgeed.
Marinnada ay tareennada isku xirayaan ayaa kala ah Embakasi village, Lukenya, SGR Link train iyo Syokimau .
Hasa ahaate waxay waaxdu sheegtay in weli uu hakad ku jiro isticmaalka tareennada ee dhanka Limuru iyo Ruiru howlo dayactir oo socdo awgood.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here