SAWIRRO:Banaanbax looga soo horjeedo dowladda oo ka socda Magaalada Muqdisho

0
635

Banaanbaxa oo ay dhigayeen qaar kamid ah dadka Shacabka ah ayaa waxaa uu ka dhigay Isgoyska Fagax oo kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaran ee Gobolka Banaadir ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Bannaanbaxa ayaa , looga soo horjeeday Madaxweynaha Sooomaliya ee uu muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa taayaro ku gubay bartamaha Isgoyska, iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ay kamid yihiin, Muddo ororsi doonimeyno Farmajo doonimeyo iyo kaligii talis doonimeyno.
Sidoo kale dadka banaanbaxa dhigayay ayaa hakiyay isku socodka Gaadiidka ee Isgoyska Fagax, iyaga oo wadada dhagxaan ku jaray dabna ku shiday, waxaana banaanbaxaasha ilaalinayay Ciidamo Milalteri ah oo saacado ka hor la wareegay Isgoyska Fagax.
Xaaladda Isgoyska Fagax ayaa ah mid kacsan, waxaana looga yeeray Warbaahinta Madaxa banaan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho.
Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay warbaahinta la hadlaan Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Millateriga ah.