Ruushka oo amray in ciidamadiisa ay dib ugu laabtaan saldhig u dhow xadka Ukraine

0
533

Dowladda dalka Ruushka ayaa lagu soo warramayaa in ay ciidamadeeda ku sugan meel u dhow xadka wadankaasi uu la wadaago Ukraine ku amartay in ay saldhigga dib ugu laabtaan.
Tani ayaa meesha ka saaraysa walaac laga qabay in labadan waddan uu dagaal dhex maro.
Kumannaan ka mid ah ciidamada ammaanka ee xukuumadda Moscow ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa xadka dalalkaas kala qaybiyo ka dib markii dowladda Ukraine lagu eedeyay daandaansi.