Maraykanka oo taageeray go’aan ka soo baxay golaha nabadda ee Midowga Afrika

0
392

Xafiiska arrimaha Afrika ee Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa taageeray go’aanka golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika kasoo saaray doorashada Soomaaliya iyo muddo kordhintii Golaha Shacabka dalkaasi uu u sameeyay hay’adaha dowladda dhexe.
War kasoo baxay Xafiiska ayaa lagu sheegay inay ku dul shaqeyn doonaan go’aamada kasoo baxay Golaha nabadda midowga Afrika loona baahaan yahay in si degdeg ah loo hirgaliyo tilaabooyinka lagu qabanaayo doorashooyin xor ah oo Soomaaliya ka dhacda.
Waxaa ay ku boorriyeen madaxda Soomaaliya inay isku raacaan waddo horay loogu socdo oo lagu xalliyo xiisadda doorashada si degdeg ah.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo shalay ka shiray xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ayaa si weyn u diiday muddo kordhintii ay sameeyeen Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo uu saxiixay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo
Muddo kordhintan ayaa dib u dhigeysay doorashadii dadbaneyd ee qorshuhu ahaa inay dalka Soomaaliya ka dhacdo sanadkan Waxaana lagu meelmariyay Xeerka Jihaynta Doorashada qaranka oo lagu sheegay in muddo labo sano Ka dib ah ay shacabka Soomaaliyeed dooranayaan madaxdooda.
Waxaa ay sheegeen inay wiiqaysa midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo dastuurka ee curdanka ah, ayna khatar gelineyso nabadgelyada iyo sidoo kale guulaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay Sannadihii la soo dhaafay iyadoo taageero ka heleysa Midowga Afrika iyo la-howlgalayaasha kale.
Golaha Nabad iyo amaanka Midowga Afrika ayaa sidoo kale Walaac ka Muujiyay Saamaynta ay talaabadii ay baarlamaanku qaadeen ku yeelan karto xirnaanshaha federaalka Soomaaliya, midnimada Ciidamada Qaranka, hanaanka abuuritaanka xoog iyo awooda lagu sii wadi karo hoos u dhigista jiritaanka Al Shabaab;
In kastoo ay qireen in Heshiiskii 17-kii Sateembar ee sanadkii hore uu ka dhashay wadahadal ay Soomaali leedahay oo ay horseed u ahayd dowladda Federaalka Soomaaliya,hoggaamiyeyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo xisbiyada mucaaradka, baahida loo qabo in la qabto doorasho wakhtigeeda ku dhacda iyo in Soomaaliya aysan awood u lahayn inay hirgeliso doorasho hal qof iyo hal cod ah sanadka 2020/21; wuxuu mar kale xaqiijinayaa in Heshiisku uu weli yahay aasaaska iyo waddada ugu macquulsan ee lagu gaari karo in Soomaaliya lagu qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda, daah-furnaan iyo kalsooni leh;
Golaha Nabadda iyo amaanka Midowga Afrika Wuxuu ku boorrinayay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka iyo in si deg-deg ah dib loogu billaabo wadahadalka, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii Sateembar 2020 iyo talooyinka guddiga farsamada ee Baydhabo, iyadoo la raadinayo xal is-afgarad ah oo laga gaaro arrimaha taagan ee caqabadda ku ah qabanqaabada doorashooyinka,ayagooo dhammaan Hogaamiyeyaashu is xakamaynaya oo ka waantoobaya ficil kasta oo keeni kara xiisad sii kororta isla markaana sii wiiqda xasilloonida Soomaaliya, gobolka Geeska Afrika iyo Qaaradda oo dhan.
Ugu danbayntii Goluhu wuxuu ka codsaday Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu si deg deg ah u magacaabo una diro Soomaaliya, Wakiil Sare oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya, si uu ula shaqeeyo dhinacyada iyo daneeyayaasha kale ee ay khuseyso, isagoo taageero ka helaya Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga. iyo Madaxa AMISOM, si loo gaadho tanaasul la isla oggol yahay, iyo in warbixin lagu siiyo Golaha afarta toddobaad ee soo socda gudahood;
Qaraarka ka soo baxay Midowga Africa ayaa yimid maalmo ka dib markii MD Maxamad C/laahi Farmaajo uu ka dalbaday Midowga Afrika inuu dhexdhexaadin ka dhex billaabo saamileyda siyaasadda ee Soomaaliya si looga heshiiyo muranka doorashada ee hadda taagan.