Dowladda dhexe ee dalka ayaa shaacisay qorsho lagu dhisaya fasallo dhan 16,000 guud ahaan wadanka.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda tacliinta aasaasiga Dr. Belio Kipsang ayaa sheegay in tani loogu diyaar garoobaya ardayda sanadka dambe u gudbi doono fasalka Grade 9 ee dugsiyada JSS.
Agaasimaha isku duba ridka iyo fulinta mashaariicda Elijah Mungai ayaa isagoo matalayay xoghayaha hoosta ka xarriiqay inay Bangiga Adduunka uga mahadcelinayaan taageerada uu siinaya dowladda si loo dhiso fasallo dheeraad ah.
Ku xigeenka madaxa Bangiga Adduunka u qaabilsan horumarinta aadanaha ,Ms Mamta Murthi ayaa dhankeeda dowladda Kenya ku bogaadisay natiijooyinka wanaagsan ee ay ardayda soo hooyaan.
Waxay hoosta ka xarriiqday in hannaanka waxbarasho ee dalka uu ardayda siinaya aqoon, xirfado iyo mabaadi’i wanaagsan.
Sidoo kale waxay sheegtay in sida ay carruurta kenyaanka ah ugu biirayaan waxbarashada ay tahay mid wanaagsan.