Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa kenyaanka ku wargeliyay in ay sanadka soo socdo isku diyaariyaan dibadbaxyo ka dhan ah dowladda dhexe.
Raila ayaa deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya ka sheegay in haddii dowladdu aynan ka laaban adeegsiga xeerka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Act 2023 in mucaaradka aynan u furnayn waddo kale balse dib ugu laabashada waddooyinka.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in dhaqangelinta xeerkan ay tahay sababta ugu wayn ee ay kenyaanka u wajahayaan xaaladaha adag ee nololeed iyo qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Waxaa uu maamulka Kenya Kwanza ku eedeyay inuunan ka dhabeyn ballanqaadkiisi ahaa inuu yareyn doono qiimaha maciishadda.
Xeerkan waxyaabaha ku xusan waxaa ka mid ah in canshuurta shidaalka oo horay ahayd boqolkiiba 8 in laga dhigay boqolkiiba 16.