Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in waaxyo gaar ah lagu wareejiyo 350 ka mid ah shirkadaha dowladda oo uunan waxqabadkoodu wanaagsanayn.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu diyaar u yahay saameynta arrinkan ka dhalan doonto.
Tallaabadan ayuu ku tilmaamay mid lagu doonayo in la yareeyo qarashaadka howlaha dowladda dhexe.
Xilli uu maanta shirka maalgashiga ee qurba joogta dalka ee KDIC uu si rasmi ah uga furay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi ayuu madaxweyne Ruto sheegay in dowladda ay balaayiin shilin ku bixiso in qaar ka mid ah shirkadaheeda ay sii shaqeeyaan.
Waxaa uu si cad u sheegay in ilaa 350 shirkadood loo qoondeeyo miisaaniyad lagu taageero oo qaar ka mid ah aynan cidna sheegi karin waxyaabaha ay qabtaan sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wato ayaa carrabka ku adkeeyay in tani ay culeys maaliyadeed ku tahay miisaaniyadda qaran sidaasi awgeedna loo baahan yahay in la qaado tallaabo wax ku ool ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in shirkado dowli ah oo maamulkooda lagu wareejiyo waaxyo gaar ah aynan ahayn go’aan fudud oo la qaadan karo balse uu diyaar u yahay inuu arrrinkan ka dhabeeyo.
Waxaa uu ku celceliyay in aynan jirin sabab ay dowladda lacago ugu sii bixiso jiritaanka shirkado waxqabad ahaan hooseeya maadaama laga shaqeynaya sidii dalka uu horay ugu tallaabsan lahaa.
Waxaa uu intaasi ku daray in sanado ka hor la diyaariyay warbixin soo jeedisay in meesha laga saaro qiyaastii 150 shirkadood, oo hadda la joogo xilligii taladaasi la dhaqan gelin lahaa.
William Ruto ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah shirkadaha dowladda oo waaxyo gaar ah laga iibiyo , laga heli doono dakhli dheeraad ah.
Bishii 11-aad ee sanadkan ayay ahayd markii wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha dalka ay sheegtay in xarunta shirarka caalamiga ee KICC , Shirkadda dhuumaha shidaalka ee (KPC), warshadda cusub ee soo saaridda caanaha ee (KCC) ,Waaxda suugaanta dalka ee (KLB), shirkadda qaran ee shidaalka ee (NOCK), shirkadda soo saarta bariiska ee (MRM) iyo kuwo kale oo badan in lagu wareejin doono shirkado si gaar ah loo leeyahay.
Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa ballan qaaday in toban sano gudaheeda la sameyn doono isbeddel wayn oo dhanka horumarka ah.
Waxaa uu xusay inuu ku kalsoon yahay in wax laga beddeli karo mustaqbalka dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Toban sano ka dib marka la yimaada Kenya aan la aqoonsan doonin isbeddelka dhici doono awgeed.
William Ruto ayaa hoggaamiyaasha la soo doortay ku boorriyay inaynan keliya ballan qaadyo sameyn balse ay ka dhabeeyaan qorshayaashooda.
Shirka maalgashiga qurba joogta dalka ee maanta ka furmay xarunta KICC ee magaalada Nairobi ayaa socon doono saddex cishe waxaana lagu soo bandhigaya fursadaha maalgashi ee dhinacyada kala duwan ah ee u bannaan kenyaanka qurbaha ku nool.