Booliiska Soomaaliya oo xiray haween jirdil u gaystay muuqaalna ka duubay wiil dhallinyaro ah

0
346

Ciidanka Booliiska Saldhiga degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay saddex haween ah oo guri ku yaalla degmada Waabari ku balamiyay wiil dhalinyaro ah dabadeedna ka duubay muqaal iyagoo jirdilaya.
Mid ka mid ah saddexda haweenka ee jirdilka u gaystay ninkan dhallinyarada ah ayaa la sheegay inuu xiriir kala dhexeyay, taasoo ku balamisay guriga kuna sii diyaarsatay labada kale oo haween ah si ay ula jirdilaan.
Waxay ka duubeen wiilkaan dhalinyarada ah muqaal dad badan ka caroodeen oo muujinayay iyagoo garaacaya wiilka, kaas oo saacadahii la soo dhaafay si weyn u qabsaday baraha bulshada ee Intarneetka
“Ciidanka Boliisa Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Waabari, ayaa gacanta ku soo dhigay Haween jir dil u gaystay, Muwaadin Soomaaliyeed, waxaana socota baarista Boliiska, Waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Booliiska qaybta guud ee gobolka Banaadir.
Si kastaba ha ahaatee dhacdooyinka noocaan oo kale ah ee ragga inta dumarka balamiyaan haddana garaacayaan iyaga oo muuqaal ka duubaya ayaa ku soo badanayay muddooyinkii dambe gudaha dalka, waxaana meelaha ay ka dhaceen ka mid ah magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.