Miisaaniyadda ismaamullada oo la kordhin doono sanadka dambe

0
204

Guddiga qoondeynta miisaaniyadda ee CRA ayaa soo jeediyay in dowladda dhexe ay miisaaniyad sanadeedka 2024/2025-ta kordhiso lacagaha ay siiso ismaamullada wadanka.
Xubnaha guddigan ayaa ku talinaya in dowlad deegaannada lagu wareejiyo 22 bilyan oo shilin oo dheeraad ah.
Ismaamullada ayaa hadda dowladda dhexe ka helo 385.4 bilyan oo shilin waxayna soo jeedinta guddiga CRA tahay in lacagtan ay noqoto 407 bilyan oo shilin..
Sidoo kale sanduuqa deegaannada la iskula simo dhanka horumarka ee equalization fund ayay CRA u qoondeysay 8.37 bilyan oo shilin halka sanduuqa canshuurta lagu dayactiro waddooyinka loogu tala galay 11.37 bilyan oo shilin.
Sidoo kale soo jeedinta CRA waxaa qayb ka ah in dowladda dhexe loo qoondeynaya 2.4 tiriliyoon oo shilin.
Tani ayaa u dhiganta koror ah 17 bilyan oo shilin maadaama sanad maaliyadeedkan dowladda dhexe la siiyay 2.1 tiriliyoon oo shilin.
Waxaa talooyinkan lala wadaagay guddiga baarlamaanka u qaabilsan qoondeynta miisaaniyadeed ee uu guddoomiyo xildhibaanka deegaanka Kiharu Ndindi Nyoro.
Waxaa soo jeedinnada lagu sameeyay in sanad maaliyadeedka dambe ay dowladdu bartilmaameedsanaysa inuu soo galo dakhli dhan 2.8 triliyoon oo shilin.