Dowladda oo ku dhawaad 4 bilyan u qoondeysay dhisidda fasallada JSS

0
193

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay in 3.9 bilyan oo shilin loo qoondeeyay in lagu dhiso fasallo dheeraad oo gaaraya 15,021.
Waxaa fasalladan adeegsan doono ardayda dhigta dugsiyada loo yaqaano Junior Secondary School (JSS).
Waxaa uu qorshuhu yahay in dhisidda fasalladan la soo gabagabeeyo sanadka 2025-ta.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee Kenya ,Ezekiel Machogu ayaa dhanka kale sheegay in Bangiga Adduunka oo bixin doono 9 bilyan oo shilin oo dheeraad ah si loogu dhiso 9,000 oo fasallo ah.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee (NGCDF) uu sidoo kale mashruucan taageeri doono.
Machogu ayaa xilli uu hadal ka jeedinayay shirka 63-aad ee ergada qaran ee ururka macallimiinta ee KNUT oo lagu qabtay magaalada Nairobi sheegay inuu jiro qorsho dugsiyada loogu kordhinaya miisaaniyadda ay siiso dowladda dhexe sida uu ku taliyay guddi uu madaxweynaha dalka William Ruto u xil saaray inuu dib u eegis ku sameeyo arrimaha tacliinta gaar ahaan manhajka CBC.