Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka qayb galaya shirka qaramada midoobay ee looga arrinsanaya saameynta isbeddelka cimillada ee (COP28) oo shalay ka furmay magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Dubai.
William Ruto ayaa ah guddoomiyaha guddiga madaxda Afrika ee isbeddelka cimillada.
Madaxeynaha dalka ayaa shirkaasi ku soo bandhigi doono farriinta Kenya iyo si guud Afrika ee wax ka qabashada isbeddelka ku yimaada cimillada.
William Ruto ayaa la filaya inuu beesha caalamka ugu baaqo inay caqabaddan xal u hesho.
Madaxweynaha sidoo kale la filaya inuu kulanka ka sheego in la sii ambaqaado hesiiskii ay madaxda Afrika ku gaareen magaalada Nairobi bishii Sagaalaad ee sanadkan ee looga arrinsaday shirka cimillada Afrika.
Mas’uuliyiin matalaya in ka badan 100 oo dowladood ayaa ka qayb galaya shirka oo socon doono ilaa 2-da bishan.