DHAGEYSO:Sheekh Xasan Camey oo baaq ka soo saaray saameynta ka dhalata biyo xireennada

0
142

Guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta wadanka ee NAMLEF laanteeda ismaamulka Garissa Sheekh Xasan Cabdullahi Cameey ayaa dowladda dhexe iyo midda ismaamullada Garissa iyo Tana River ugu baaqay in iyadoo dadweynaha laga qayb gelinaya laga tashado sidii looga hor tagi lahaa in saameyn ay ka dhalato biyo xireennada marka ay buuxdhaafaan.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu dhawaan wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen uu sheegay in biyo xireenka Masinga Dam uu ku dhow yahay inuu buuxsamo tani oo saameyn dheeraad ah u gaysan karto Garissa iyo Tana River oo hadda la daala dhacaya culeysyada ka dhashay fatahaadaha.