DHAGEYSO:Siyaasiyiinta Azimio oo soo dhaweeyay go’aankii maxkamadda ee canshuurta guriyeynta

0
181

Siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya oo ay hor kacayaan hoggaamiyaashooda kala ah Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoka ayaa soo dhaweeyay go’aankii shalay ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka ee ay sharci darro ku tilmaantay lacagaha laga jaraya shaqaalaha si loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta.
Raila Odinga , Kalonzo Musyoka , barasaabka ismaamulka Kisii Simba Arati iyo guddoomiyaha Homa Bay Gladys Wanga ayaa dhanka kale madaxweyne William Ruto ugu baaqay inuu yareeyo canshuurta kala duwan ee laga qaadaya shacabka.

Arrintan ayay ka hadleen xilli ay ku sugnaayeen fagaaraha Nyamache stadium ee ismaamulka Kisii oo xaflad soo dhaweyn iyo mahadcelin ah loogu qabanayay guddoomiyaha dowlad deegaankaasi Simba Arati.