Dowladda Ruushka oo shaacisay tirada muwaadiniinteeda ee laga daadgureeyay Qaza

0
182

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in toddobaadkii hore 550 qof oo muwaadiniinteeda ka mid ah laga daadgureeyay marinka Qaza.
Wasaaradda qaabilsan la tacaalidda xaaladaha degdegga ah ee wadankaasi ayaa laga soo xigtay in 230 oo dadkan ka mid ah ay carruur yihiin.
Tan iyo markii marinka Rafah dib loo furay 2-dii bishan waxaa Qaza laga saaray 6,500 qof oo ajaaniib ah.
Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in 689 qof oo tiradan ka mid ah ay halkaasi ka baxeen maalinkii Jimcaha.